Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Ciidamada Nabadsugida iyo Ciidanka Booliska ee Haramcad ayaa ka socda xaafado ka tirsan Dhuusamareeb.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kaddib markii shalay askari ka tirsan ciidanka Nabadsugida lagu dilay Dhuusamareeb, isla markaana arrintaas ka dhalatay xiisada u dhaxeysa labada ciidan.
Dagaalka ayaa ka socda agagaarka Xero Inji illaa Madaxtooyada, waxaana la maqlayaa hub culus oo la isu adeegsanayo.
Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha dagaalka uu ku kooban yahay labada ciidan ee dagaalamaya, waxaana uu dagaalka hakad geliyay isu socodka magaalada.
Dagaalka ka socda Dhuusamareeb ayaa ku soo aaday, xilli uu magaalada Dhuusamareeb ka maqan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo safaro ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud, isagoo haatan ku sugan Caabudwaaq.