Guddiga Doorashooyinka Madaxabanaan oo diiwaangeliyay 8 xisbi oo cusub

Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta Shahaadooyinka KMG ah ee diwaangalinta siiyay 8 xisbi oo ku biiraya xisbiyadii Guddiga uu horey u diwaangaliyay..

Munaasabadda xisbiyada lagu sinayay shahaadada oo ay ka qeybgashay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran Xaliimo Ismaaciil ayaa lagu qabtay qaab online ah iyadoo uu Guddiga aaladda ZOOM- ka u adeegsiday qabsoomidda Munaasabadaas.

Xisbiyada la diiwaangeliyay maanta ee la siiyay shahaadooyinka ayaa waxaa ay kala ahaayeen;-

– Xisbiga Bulshada Dimoqaardiga Soomaaliyeed.
– Xisbiga Nolosha iyo Cadaaladda.
– Xisbiga Walaalaha Midoobay.
– Xisbiga Tubta Horumarka iyo Nabadda.
– Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka.
– Xisbiga Soomalinimo.
– Xisbiga Cadaaladda Horumarinta Dimoqaraadiyadda iyo Isqadarinta iyo Xisbiga Badbaado Qaran.