Guddoomiyihii Ururka Naafada K/Galbeed oo lagu dilay Baydhabo iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Guddoomiyihii ururka Naafada Koofur Galbeed Shariif Mukhtaar Jiis ayaa kooxo hubeysan ay ku dileen hoygiisa oo ku yaalla magaalada Baydhabo.

Sida wararku sheegayaan kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa Mas’uulkaas oo naafo ahaa ugu galay hoygiisa, kadibna ku toogtay, iyagoo goobta ka baxsaday.

Al-Shabaab ayaa war ay ka soo saartay dilka Guddoomiyaha Ururka Naafadda Koofur Galbeed ku sheegatay mas’uuliyadda dilkaas.

Warka Al-Shabaab ka soo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu ninkaas ka tirsanaa Ciidamada Booliska, isla markaana uu ahaa Kornel ka tirsan waaxda dambi baarista CID-da.

Magaalada Baydhabo ayaa muddooyinkii u dambeeyay xaaladeeda amniga wanaagsaneyd, iyadoo in muddo ah aanay ka dhicin dilalka gaadmada ee ay fuliyaan kooxaha hubeysan.