Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo heesaagii Ethiopia Haacaaluu Hundeesaa goordhow aaskiisa uu ka dhacay magaalada uu ku dhashay ee Ambo.
Haacaaluu oo sidoo kale ahaa qof u ololeeya dadka Oromada ayaa dilkiisa waxa uu sababay in ay ku dhintaan dad ka badan siddeetan ruux kadib markii banaanbaxyo waaweyn ay ka dhaceen dalka Ethiopia.
Meydka Haacaaluu ayaa la dhigey garoonka ciyaaraha magaalada Ambo oo dhinaca galbeed ka xigta illaa boqol kiilomitir caasimada Addis Ababa.
“Haacaaluu ma dhiman waxana uu ku hari doonaa qalbiyada dadka malaayiinta ah ee Oromada,” ayay tiri Santu Demisew Diro, oo ahayd xaaska Haacaaluu.
Demisew ayaa codsatay in taallo laga taago goobtii lagu diley seygeeda ee magaalada Addis Ababa.
Ninkaas oo 34 sano jirka ahaa, waxaa soo shaac baxay in uu ahaa shakhsi saameyn ku lahaa ururrada Oromada sannadihii la soo dhaafay, waxaana uu sameystay dad badan oo cadow ah intii uu ku jiray fanka.
Wuxuu ahaa fannaan heesihiisa u adeegsada kacdoonnada ay dhigayeen dadka Oromada ah ee Itoobiya.
Laba qof ayaa loo xiray dilkiisa oo la geystay xilli uu baabuur ku dhex watay magaalada Addis Ababa maalintii Isniinta, balse booliska Itoobiya wali ma aysan sheegin sababta ka dambeysay dilkiisa mana jirto dad loo maxkamadeeyay dilkiisa.