Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay iskahorimaad hubeysan oo maanta ku dhex maray magaalada Dhuusamareeb Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka ku dhexmray .
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay inay Guddi xaqiiq raadin ah ay u saareen dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb ee u dhexeeyay Ciidanka NISA iyo kuwa Booliska dowladda ee Haramcad.
“Wasaaradda Amniga Gudaha Gamudug waxey u saartay guddi baaritaan iyo xaqiiqo raadin ah shaqaaqo iyo gacan ka hadal muddo kooban ku dhexmartay laba ciidan maantay magaalada Dhusamareeb” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa tilmaamtay in Guddigan ay baaritaano ku sameeyn doonaan sababta keentay dagaalka dhexmaray labada Ciidan iyo dhibaatooyinkii bulshada ka soo gaaray.
Wasaaradda ayaa ugu baaqday Ciidanka dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb inay ilaaliyaan xasiloonida deegaanka iyo sumcadda ciidamada qalabka sida.
Hase yeeshee dagaalkii ka dhacay Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku dhaawacmay 5 qof oo isugu jira labada dhinac iyo dad shacab ah, waxaana dagaalkaas uu ka dhashay muran maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa bar Koontarool oo ku yaalla Dhuusamareeb.