Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Doxa kula kulmay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qatar ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dowladda Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman.

Kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan, waxaana qeyb ka ahaa xoojinta xiriirka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

“Sharaf ayey ii ahayd in kulan miro dhal ah aan Dooxa kula qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda Qatar. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga” ayuu yiri Ra’iisul Waasare Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo jimcihii u ambabaxay dalka Qatar ayaa wax war ah laga helin safarkiisa, mana jirin wararkii looga bartay oo Xafiiskiisa Warfaafinta ka soo saari jiray safaradiisa dibadda.

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ku aaday dalka Qatar ayaa waxaa ku wehliyay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Madaxda dowladda, Wasiirada, Mas’uuliyiinta kale sida Taliyaha NISA ayaa safarada ugu badan ku taga dalka Qatar, oo ah dalka ugu weyn ee taageerada dhaqaale ee tooska siiya dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.