Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si kulul uga soo horjeestay xiriirka ay sameysteen Somaliland iyo Taiwan oo labadaba ah maamulo horay ugu dhawaaqay gooni u goosad, balse aan loo aqoonsan dal.
War kasoo baxay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in marnaba aysan ogolaan dooninin xiiir gaar ah lala yeesho Taiwan oo ay sheegeen inay Shiinaha ka mid tahay.
“Uma oggolaanayno in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul Shiinaha, waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha oo aan laga goyn karin ayaa lagu yiri” warka kasoo baxay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho.
Taiwan oo ka mid ah qeyb ka mid ah dalka Shiinaha ayaa raadienysa inay ka go’do dalkaas, ayaa dhowaan shaacisay inay xiriir diblomaasi la sameysaneyso Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa sheegay inay abuurayaan xafiis wakiilo kala matalaya iyaga iyo Somaliland oo ay ka kala furan doonaan caasimadaha labada dhinac.
Taiwan ayaa heshiis la saxiixatay Somaliland, inkastoo aan si rasmi ah loo soo bandhigin heshiiskaas.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo maalmo ka hor ka hadlayay Hargeysa ayaa sheegay in xafiis ka furanayaan Taiwan.
Soomaaliland oo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayna tahay jamhuuriyad madax banaan, balse muddo 30 sano ayaa helin wax aqoonsi caalami ah.