Jaaliyadda Qubraha ayaa taageertay Ceel Riig laga qodaayo Ceelqooxle.
Jaaliyadda waxa ay gogaadineysaa Howlgal kasta oo wax loogu qabanaayo reer Ceelqooxle, waxa ayna Jaaliyaddu ku baaqeysaa qof kasta oo raba in uu la baxo sadaqo Jaariya ah in uu ka qeyb qaato Ceel biyoodkaas.
Qofka muslim-ka ah ee dhinta sadaqo loo bixiyo waxaa ugu fiican sadaqada ajarkeedu go’eyn ee waligeed u socota (Sadaqa Jaariya), Ceelbiyoodku waxa uu ka mid ah yahay Sadaqa Jaariya.
Fadlan u istaag in aad reer Dooxa la wadaagtid Ceelkaas la qodaayo si ay gacan uga geystaan.