Aqalka Sare oo sharci-daro ku tilmaamay ansixinta xeerka Metelaada Gobolka Banaadir

MUQDISHO DOOXO NEWS Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Dalka Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sharcidaro ku tilmaamay xeerarkii Golaha shacabka ay meel mariyeen ee afarta ahaa, kuwaasi oo ku tacaluqa arrimaha doorashooyinka.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa lagu sheegay in Guddiga doorashooyinka marnaba aysan isticmaali karin xeerarkaasi inta laga saxaayo qaladaadka ku jira.

Sidoo kale Aqalka Sare ayaa difaacay kaalinta mugga leh uu ku leeyahay ansixinta sharciyada, waxaana ay sharci darro ku tilmaameen qoraalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka u diray Wasaaradda Dastuurka ee ahaa qaraarka Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, iyagoo sheegay in qoraalkaas uu xadgudub ku yahay habraaca xeer dejinta dalka ee ku qeexan Cutubka 6aad madaxa afaraad ee Dastuurka KMG

DOOXO NEWS MUQDISHO