UNSOM oo soo dhowaysay Shirka Dhuusamareeb uga furmaya Madaxda Dowlad Goboleedyada

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ee loo soo gaabiyo UNSOM, ayaa soo dhoweeyay Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Qoraal Salaasada Maanta ah ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu soo dhoweeyay Shirka Khamiista todobaadkan Madaxda Dowlad Goboleedyada uga furmaya Dhuusamareeb.

UNSOM, waxay Shirkaasi ku tilmaantay mid muhiimad gooniya u leh Arrimaha  Mudan in laga hadlo, oo ay kamid yihiin Doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya, Amniga iyo Dib u-eegista Dastuurka, sida lagu xusay Qoraalka.

Sidoo kale, waxay sheegtay in uu hordhac u yahay Shirweyne kale oo ay dhowaan isu’gu imaan doonaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, kaas oo looga wada-xaajoon doono Arrimaha Doorashooyinka, Amniga Qaranka iyo Dib u-eegista Dastuurka.

DOOXO NEWS….