Ajandaha shirka Magaalada Dhuusamareeb iyo waxa laga filan karo

Axmed Shire Falagle, Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa ka waramay ajandaha shirka lagu wado in maalinta berrito uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb iyo weliba waxa laga filan karo shirkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in ajandaha shirka uu yahay, sidii ay isugu soo dhawaan lahaayen Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, aragti mideysana uga qaadan lahaayen arrimaha doorashooyinka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ajandaha uu u badnaan doono wadatashi iyo aragti mideysan oo dhinacyo ay ka qaataan doorashooyinka lagu wado inay dalka ka qabsoomaan.

“Ajandaha shirka waxaa weeye, sidii Somaliya wejiga siyaasadeed ee hadda ay joogto Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah isaga arki lahaayeen qaabka loo wajahayo doorashooyinka, iyadoo si mideysan loo wada duulaayo Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. Marka ajandaha wuxuu u badnaan doonnaa in si wada-tashiya iyo aragti mideysan la’isku dayo in laga qaato, sidii la yeeli lahaa.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo la hadlay BBC ayaa xaqiijiyay in qorshuhu yahay in shirku uu socdo laba illaa saddex maalmood, ayna suurtagal tahay in maalin dheeri ah lagu daro amaba hal maalin laga soo yareeyo.

“Shirku wuxuu socon doonnaa saddex maalmood. Laba maalmood oo wadahadalka uu noqon doono iyo maalin soo dhaweyn ah. Marka la’isku daro illaa saddex maalmood ayaan ku talo jirnaa. Inuu ka yaraado oo laba maalmood noqdana waa macquul, in maalin kalana lagu sii darro waa macquul, maadaama uu yahay shir Soomaalida u gaara, oo aan hadda dad kale oo ajnabiya ku jirin. In aad la’isku xog wareysto waa u badnaan doontaa.” Ayuu yiri Wasiirka.

DOOXO NEWS DHUUSAMAREEB