Galmudug ayaa ka hadashay warar saacdihii la soo dhaafay la isla dhex maraayay, kaasi oo ku saabsan Ciidamada Haramcad ee jooga Magaalada Dhuusamareeb in halkaasi laga soo saarayo, xilli Berri Shirka dowlad Goboledyada uu ka furmayo Magaaladaasi.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin, isla markaana ay baahinayaan dad doonaya inay carqaladeeyaan shirka ay Galmudug marti gelisay ee dhex-mari doona Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Waxa uu sheegay in waqtigaan aysan jirin waxyaabo kalifi kara in Ciidamada Haramcad laga saaro Magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ka qeyb qaata amniga Magaaladaas, isla markaana wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah.
Dad badan oo Caan ka ah Baraha Bulshada ayaa baahinayay in dowlada Soomaaliya ay Magaalada Dhuusamareeb kasoo saareyso 200 oo katirsan Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad, iyada oo aysan jirin cid ay soo xiganayeen.
Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto Shirka u dhaxeeya dowlad Goboledyada oo ay marti gelisay Maamulka Galmudug.
DOOXO NEWS:Dhuusamareeb