Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan Laanta sharci dajinta Mareykanka ayaa sheegtay in ay waddo qorshe magdhaw looga qaadayo Dowladda Federaalka ee Mareykanka si loo siiyo ehelada dadkii ku dhintay duqeynta diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ay ka geysteen Soomaaliya.
Ilhaan ayaa sheegtay in ay waajib ku tahay Dowladda bixinta magta dadkii shacabka ahaa ee ku nafwaayay duqeymaha Diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
“Sida aan wada ognahay, duqeynta waxa ay dhacdaa xili habeen ah, dad shacab ah ayay wax gaarsiisaa, sidaas awgeed waa waajib in la helo magta dadka shacabka ah ee ku nafwaayay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya” ayay tiri Ilhaan.
Waa ay sii hadashay waxa ayna tiri “Waxa aan soo jeedinay in la joojiyo duqeynta, maadaama dad shacab ah ay qayb ka yihiin shaqsiyaadka ku dhimanaya, kaliya Argagixisada ma disho duqeynta balse waxaa ku nafwaayo dad shacabka oo guryahooda jiifo, sidaas awgeed haddi aan la kala saari Karin Argagixiso iyo shacabka in la joojiyo”.
Sharci caalami ahaan ayay sheegtay Xildhibaan Ilhaan Cumar in ay waajib ku tahay Dowladda Mareykanka bixinta magta dadka shacabka ah, maadaama Dowlad ahaan lagu fuliyay howlgalkaas.
Hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha ayaa warbixinno marar kala duwan ay soo saareen waxa ay kusoo bandhigeen caddeymo shaqsiyaad shacab ah oo ku dhintay duqeyn Mareykanka taliska Afrika u qaabilsan loona soo gaabiyo AFRICOM ka geystay Soomaaliya.
Ilhaan ayaa ka jawaabtay eedeymaha joogtada ah ee kasoo yeeraya Madaxweyne Trump ee ka dhanka ah Iyada iyo Soomaaliya, waxa ku tilmaamtay qof caadeystay raadinta waxyaabaha uu doonayo in uu ku bahdilo dadka qaar.
DOOXO NEWS