Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa la socday diyaarad helicopter ah oo ka soo qaaday Magaalada Beledweyne, waxaana Garoonka Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sareeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo ay iminka kulan kula leeyihiin Madaxda Galmudug.
Dhanka kale saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa inay Magaalada Dhuusamareeb gaaraan Ilaalada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka amba-baxay Magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne-yaasha Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa maalinta berrito lagu wadaa inay gaaraan Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb.
Khamiista ayaa la fillayaa Madaxda Maamul Goboleedyada in uu shir uga furmo Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona uu shirku qaadan doono dhawr maalmood.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa gogol wadahadal dhigay Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii uu guul-dareystay Shirkii Golaha Amniga Qaranka, ee Axadii lagu waday in uu ka furmo Magaalada Muqdisho.
Danleyda Siyaasadda Dalka ee ku kala aragtida duwan siyaasadda ayaa waxaa dabka ku sii shiday hadalkii ay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, ka hor sheegtay Golaha Shacabka, lana xiriiray inaanan doorashada lagu qaban karin waqtigii loogu talagalay.
DOOXO ONLINE DHUUSA MAREEB