SOUTH AFRICA,DOOXO NEWS; South Africa ayaa burburisay in ka badan 30 000 oo Hubka noocyadiisa fudud ah sida Qoryaha caadiga (Ak47), Bistoolado iyo qalab kale oo hubka lagu dayactiro, oo ay hawlgallo kala duwan kusoo qabteen sida ay sheegeen Boliiska Gobalka Gauteng.
Dowladda K/Afrika, oo dadka deegaanka uga mahadcelisay garab-siinta Askarta, ayaa tallaabadani ku tilmaantay mid sii socon doonta, islamarkaana amar buuxa lagu siiyey Booliska inay xaalufiyaan hubka sida sharci darada ah loo haysto ee fal-dambiyeedyada lagu fuliyo.
Dilalka, dhaca ama Boobka, ayaa caadi ka ah Dalkani Koonfur Afrika, waxaana loo aaneeyaa hubka sida qarsoodiga ah loo sito.
DOOXO NEWS