Taliska Ciidanka Booliska Somaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen Qarax Miino oo saaka lala eegtay Ciidamo ka tirsan Booliska, kaasi oo ka dhacay Degmada Hodan.
Qaraxan oo ka dhacay agagaarka Taleex ee degmada Hodan abaaro 10:00 barqanimo ayaa qabsaday gaari nuuca (Landcruser-ka) ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed, waxaana ku dhintay 2 askari halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la socday gaarigaasi oo miinadu ay la kacday.
“Waxaa saaka dhacay qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso oo soo boodada ah,waxaana ay lakacday gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan booliska,2 askari waa ay ku geeriyootay,2 kalena waa ay ku dhaawacyeen, oo gaariga la socday,mana jiraan dad shacab ah oo waxyeelo soo gaartay”. Sidaasina waxaa SONNA u xaqiijiyay afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Dhaawacyada ayaa loo qaaday xarumaha caafimaad oo lagu dabiibayo,iyadoo ciidamada ammaanku ay wadaan hwolgalo ku aadan sugidda ammaanka iyo dabagalka koxaha argagixisada oo inta badan qaraxyada ku dhibaateeya bulshada.
Al shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi lagu dilay labada Askari, labada kalena ay ku dhaawacmeen ee lala eegtay Ciidamada Booliska Somaliya.