Wafuud fara badan oo ku qul qulaysa Magaalada Dhuusamareeb iyo Ammaanka magaaladaasi oo si aad ah loo adkeeyay.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda si gooni gooni ah Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ay gaaraan Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ka jira,kuwaas oo shir gaar ah halkaasi ku yeelanaya.

War-Saxaafadeed ay maalin ka hor soo saareen Dowlad Goboleedyada ayaa waxay ku shaaciyeen in shirkaasi uu gogol xaar u yahay shirka loo qorsheeyay Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada.

Madaxda tageysa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kamid ah,Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana warar soo baxayay ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ay dalbadeen in Magaalada Dhuusamareeb laga saaro Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad oo ay halkaasi geysay dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa oo dhaweeyay inta badan saamileyda siyaasadda,sida Madasha Xisbiyada Qaran,Xildhibaannada mucaaradka iyo Qaramada Midoobay.