Axmed Madoobe oo u amba-baxay Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka amba-baxay Garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu ku sii jeedaa Magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo ay shir ku leeyihiin Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ka dhisan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa horey u sii raacay ilaaladiisa gaarka ah, xilli ilaalo kale ay kaga sii horeeyaan Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne-yaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Puntland ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb, waxa la suggaana waa Axmed Madoobe oo daqiiqadaha soo socda gaara.

Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb waxaa haataan ku sugan wafdi ballaaran, oo u diyaarsan soo dhaweynta Madaxweyne Axmed Madoobe.

DOOXO NEWS KISMAAYO