Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa Garoonka Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Wafdiga Madaxweynaha dowlad Goboledka Puntland.

Shirka wadatashiga ee u dhaxeeya Maamul Goboledyada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah kaga furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya Ciidamada Amisom & Ciidanka Galmudug

DOOXO NEWS DHUUSAMAREEB