Waa nasiib daro in madaxdda Goboladda dalka Soomaaliya, marka kaliya ay wada tashi isugu yimaadaan inay tahay marka laga hadlaayo doorasho dalka kaliya. Sababta aan u leeyahay arinkaas waxay tahay maxaan hore ugu arki weeynay ayagoo ka tashanaayo arimaha muhiimka u ah jiritaankiisa dalka iyo dadka:
Sida: ka hortaga cudurada saf-mareenka, difaaca bada, saboolnimada, argagixisada, u gar-gaarka masiibooyinka ( sida Qardho, Baladwayne iyo ayaxa Iwm)
Inkastoon aanan jecleen inaan ka hor dhaco gunaanadka shirka Dhusamareeb, hadana waxaan ognahay:
1- Inay ku adagtahay inay qaadan karaan mowqif mideeysan, waayo waxaa ognahay inay ku heshiineeynin Dan guud.
2- In Go’aanka ugu dambeeyo dalka Soomaaliya ay waxku leeyihiin beesha Caalamka iyo Deeq bixiyayaasha oo aan marnaba raali ka noqoneeynin in noocyadiii doorashooyinkii hore dib looga noqodo si dalka uu hore ugu socdo.
3- Waxaan ognahay in sharciyadii ay dejiyeen golaha baarlamaanka aysan awood u lahayn inay waxka badalaan madaxdda Goboladda.
4- Waxaan ognahay in go’aanda ugu dambeeyo ee dhabta ee sharciyan inay leeeyihiin fulinteeda dowladda iyo unug’yada badaxbanaan
Arimaha doorashadda inay dhici karta ama hergeli doonto, waxay ku xiran tahay had’ba daruufaha markaas jira ama xaalada uu dalka ku sugan yahay, Ha noqoto mid dhaqaale iyo abni. Doorashadda dalka ayku xiran tahay wada shaqaynta ka dhaxeeysa dowladda Dhexe iyo deeq-bixiyayaasha markaas nidaam doorashadda ay isku raacaan.