Madaxweynaha Galmudug oo kulan horudhac ah la qaatay Madaxda (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa kulan horudhac ah la qaatay Madaxweyne-yaasha Shanta Maamul Goboleed, ee Dowladda Federaalka xubnaha ka ah.

Madaxweynaha ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug, qado sharaf ugu sameeyay Madaxweyne-yaasha Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland.

Gelinkii dambe ee maanta ayuu sidoo kale Madaxweynaha Galmudug uu Madaxda Maamul Goboleedyada kula casiriyeeyay Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb.

Kulankan ayaa horudhac u ah shirka ay maalinta berrito uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb. Shirka oo la doonayay in uu Magaalada Dhuusamareeb ka furmo Khamiista shalay ayaa dib u dhac ku yimid waxaa keenay Madaxda Maamulada oo qaarkood goor dambe soo gaaray magaaladaasi, maantana ay ahayd maalin nasiino oo Jimco ah.

Saxafiyiinta Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dadka reer Galmudug, ay si qurux badan u soorayan wafuudda ballaaran ee ku sugan magaaladaaasi.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa isha ku haysa shirka Magaalada Dhuusamareeb, waxayse ka rajeynayan in laga soo saari doono qodobo dalka looga dhaqaajin karo marxaladda uu haataan wajahayo.