Qarax xoogan ayaa goor dhow oo caawa ah waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho. Jugta qaraxa ayaa ahaa mid si weyn looga maqlay degmooyinka ku teedsan Degmada Waaberi.
Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso Suuqa Beerta iyo Wadada 21-ka October, waana meel ku dhow wadada gasha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa aad u xadidan in faah faahin laga helo waxa uu qaraxaasi ahaa iyo haddii uu bartilmaameed ahaaba, sababo ku aadan qaraxa oo goor dhow uun dhacay iyo xilliga oo habeen ah.
Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ayaa lagu arkayaa inta u dhaxeyso Suuqa Beerta iyo Wadada 21-ka October, waxaana la hakiyay dhaqdhaqaaqii gaadiidka iyo dadka ee wadadaasi.
Shacabka ku dhaqan xaafadda 1-da Maajo ee Degmada Waaberi ayaa baqdin ka muujiyay qaraxa ka dhacay xaafadaasi, iyagoona guryahooda ku xarooday.
Qaraxan waxaa uu ku soo aadaya, xilli maanta xaafadda 1-da Maajo lagu dilay gabar dhalinyaro ahayd, oo lagu magacaabi jiray Sabiriin Cabdiraxmaan, iyadoo aan la aqoon sababta loo dilay.
Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa ku dilay agagaarka gurigooda, xilli la sheegay inay adeeg ka doontay dukaan ku dhow hoygooda. Dembiile-yaasha ayaa la sheegay inay rasaas uga dhufteen madaxa, goobtana ay ka baxsadeen.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Dhacdo.com u sheegay in dembiile-yaasha ku baxsadeen mooto bajaaj, ay markii horeba wateen.
Allaha u naxariistee Sabiriin Cabdiraxmaan oo wax ka baraneysay Jaamacadda Plazma ayaa sanadkii ugu dambeeyay ee Jaamacadda jirtay. Lamana yaqaano sababta loo dilay, xilli aynaan u shaqeynayn Dowladda Federaalka, Hay’adaha Caalamiga ee Qaramada Midoobe iyo cid kalaba. Raggii dilay waxaa la sheegay inaanay ka qaadan teleefankeedii gacanta, oo ujeedkooduna uu ahaa inay dilaan oo keliya.