Ciidamada Xoogga oo gacanta ku dhigay Horjoogihii Al-Shabaab ee Deegaanka Mubaarak+Sawirr

Muqdisho:– Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee DANAB iyo guutada 17-aad kumaandooska xoogga dalka ee Gor-gor ayaa waxay howgal qorsheysan ku gaareen deegaanka Mubaarak ee hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ujeedka howlgallada ayaa ah baacsiga maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaasi oo intooda badan isaga cararay degaanka Mubaarak kadib markii ay kawarheleen kumaandooska xoogga dalka oo gudaha ugalay.

Taliyada guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka DANAB Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in ciidanka haatan ay baaritaanno amniga lagu xoojinayo ka wadaan degaanka kaasi oo ay ku xaqiijinayaan Nabadgelyada.

Gaashaanle Ismaaciil  ayaa tilmaamay in ciidanka XDS ay howgalka kusoo qabteen horjoogihii argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa degaanka Mubaarak oo lagu magacaabo Macalin Cabdulaahi, ayna goobta ku dileen afar ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka wadooyinka ay ka soo saareen miinooyinka argagixisada ay aaseen, kuwaasi oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

DOOXO NEWS