Dhuusomareeb (DOOXO NEWS) – Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cali Waare ayaa khudbad xiiso leh ka jeediyay furitaanka shirkii wadatashiga ee madaxda maamul goboleedyada ugu furmay magaalada Cadaado.
Maxamed Cabdi Waare oo khudbadihiisa ay ka duwanaayeen madaxda kale ayaa ugu hadlay arrimaha doorashada, doorka Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha KMG ee doorashooyiska iyo maqaamka caasimada Muqdisho.
Waare ayaa ka hadlay arrinta gobolka Banaadir, isagoo sheegay in maqaamka caasimada iyo matalaadeedaba saacadaha ugu danbeeya ee xiliga kala guurka in laga hadlo ay tahay nasiibdarro, isagoo sheegay in Al-Shabaab, Dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir sanadkiiba ay canshuur Hal Bilyan dollar ah ay ka qaadaan.
Waare ayaa sheegay in canshuurta intaasi le’eg aan wax muuqda loogu qaban magaalada Muqdisho, xili ay la daalo dhaceyso amni darro, iyada oo mararka qaarna marti-gelisa qaraxyo dad badan haliga.
“Muqdisho oo magaalada canshuurta ugu badan laga qaado, Dowladda, gobolka Banaadir iyo Al-Shabaab marka la isku daro, waxaa canshuur looga qaadaa hal bilyan sanadkii, waxaa u dheer amni darro, waxaa kaloo u dheer rafaad kale oo dowladnimada iyo caasimadnimada kusoo gaara,” ayuu yiri Madaxweyne Waare oo sheegay in madalaada qof walba meeshuu doono ha joogo uu xaq u leeyahay.
Wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho ay culeys dhan walbo leh hayso, balse aysan Soomaalida ka go’i karin, laakiin buu yiri laga filan karo inay yiraahdaan 60 sano ayaa caasimad aheyn ee ha nalaga badalo.
Wuxuuna madaxda dhigiisa ee kula sugneyd shirka ku canaantay inaysan Ajendaha si rasmi ah ugu darin arrinta meeqaamka, maadama uu sheegay in caasimada la wada leeyahay, ayna waajib tahay ka hadalkeedu.
“Muqdisho Matalaad Xaq ayeey u leedahay, waxaa hada noo yaal inaan ka hadalno maqaamkeeda, Magaalada Xamar waxaa laga qaadaa 1 Bilyan oo doollar hadanna waxaa u wehlisa Amni daro” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Wuxuuna intaas kusii daray “Arrinta Banaadir waxaa ka xumahay mar walba in la iska warsado aakhiru saac, caasimaddaas waa wada leenahay, si aan raalli isaga nahay aan maqaam ugu raadino”.