Waxay faah faahin ka soo baxeysaa iska horimaad hubeysan oo caweyskii caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaasoo dhimasho iyo dhaawacba sababay.
Iska horimaadka ayaa ka dambeeyay markii Ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen rag ka ganacsada qamriga, kuna sugnaa xaafadda Garsoor, kuwaa oo iska caabin ugala horyimid ciidanka.
Wararka ayaa sheegaya in muddo kooban ay si xoog lihi xaafadda Garsoor, gaar ahaan agagaarka Hotel Cagaarweyne, uga socotay rasaastii ay labada dhinac is weydaarsanayeen, taa oo qalqal ku abuurtay dadka deegaanka.
Ciidanka Puntland ayay markii dambe u suurtagashay inay cagta mariyaan goobtii ay ku sugnaayeen raggaasi, kuwaa oo qaarkood gacanta lagu soo dhigay, xabsigana loo taxaabay.
Inta laga warqabo waxaa iska horimaadka ku dhintay laba qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, halka laba kalana ay ku dhaawacantay, waxaana suurtagal ah in khasaaruhu uu intaa ka bato.
Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaan wax war ahi ka soo saarin iska horimaadka hubeysan ee ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, oo Puntland ay ka arrimiso.
Iska horimaadkan ayaa ku soo beegmaya, xilli Magaalada Gaalkacyo ay tan iyo daba-yaaqadii bishii May ka dhicin falal liddi ku ah amniga magaalada