Barcelona Oo Waayaysa Adeega Antoine Griezmann Inta Ka Dhiman Xili Ciyaareedkan, Sabab.

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in ay Barcelona waayi doonto adeega weeraryahanka Antoine Griezmann kulamada ka dhiman horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Waxa xilli ciyaareedka ka hadhay 2 kulan iyada oo Barcelona la ciyaari doonto kooxaha Osassuna iyo Alaves kulamadaka hadhay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Antoine Griezmann ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhaawacmay kulankii Real Valladolid ee horyaalka La Liga ay Barcelona 1/0 ku badisay.

Idaacada Radio Catalonia ayaa sheegaya in uu xiddiga Griezmann garoomada ka maqnaan doono labada kulan ee Barcelona uga hadhay horyaalka La Liga sabab la xidhiidha in uu dhaawac ka daremayo muruqa lugta.

Tababaraha kooxda Barcelona ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga reer France dalbaday in la badalo kadib markii uu raaxo la’aan ka dareemay muruqa waliba baadhitaan lagu samayn doono saacadaha soo socda.