Chelsea Oo Lagu Soo Waramayo In Laga Aqbalay Dalab Ay Ka Gudbisay Saxiixeedii 3-aad.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in laga aqbalay dalab 33 milyan ah oo ay ku doonayso saxiixa Goolhayaha kooxda Trabzonspor ee Ugurcan Cakir.

Goolhayaha 24 jirka ah ayaa si weyn oola xidhiidhinayay Premier League todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo lala xidhiidhinayay kooxaha Liverpool & Tottenham.

Bishii hore wargaysyada Reer Turkey ayaa sheegayay in ay Liverpool dalab 25 milyan ah ka gudbisay Goolhayaha 39 kulan u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee wargayska Haber365 ayaa sheegaya chelsea haatan laga aqbalay dalab lacageed oo dhan 30 milyan oo euro si ay u hesho Goolhayaha iyo 3 milyan oo Guno ah.

Cakir ayaa xilli ciyaareedkan shabaqiisa ilaashaday 4 kulan 39 kulan oo uu ciyaaray iyada oo laga dhaliyay 46 gool oo ay ku jirto 11 gool oo ka mid ah 7 kulan oo Europa League ah.

Tababare Frank Lampard ayaa Goolhaye Cakir u arka badalka Goolhaye Kepa Arrizabalaga kaas oo ku dhibaatoonaya qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkan.