Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya, Xasan Abshir Faarax ayaa goor dhow ku geeriyooday dalka Turkiga, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladiisa.
Marxuum Xasan Abshir Faarax ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana lagu daweynaayay Magaalada Ankara, oo maanta uu ku geeriyooday.
Sidoo kae Safiirka Somaliya ee dalka Turkiga, Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed ayaa xaqiijiyay geerida ku timid Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya. Safiirka ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeysay uu marxuum Xasan Abshir Faarax ku xanuunsanaa dalkaasi Turkiga, haba ugu darnaatee labadii toddobaad ee la soo dhaafay. Waxa uu intaa ku daray in dhakhaatiirka caafimaadka ay ku soo wargeliyeen in wadnaha uu istaagay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya.
Xasan Abshir Faarax ayaa Ra’iisul Wasaare ka soo noqday Dowladii Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan.
Marxuum Xasan Abshir ayaa sidoo kale waqti dheer ahaa Duqa Muqdisho xiligii Kacaanka. Wuxuu kaloo soo noqday xubin Baarlamaan.
Xalay aheyd markii uu Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ku geeriyooday Maxamed Cabdi Xaashi, oo ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland, isla markaana kamid ahaa asaasayaashii dowlad Goboleedka Puntland.