Wakhtiga Ay Real Madrid Ku Guulaysan Doonto Horyaalka Kadib Guushii Barceloan Ee Real Valladolid

Kooxda Real Madrid ayaa ku sii dhawaanaysa ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyaga oo si Rasmi ah ugu guulaysan doona horyaalka maalinta khamiista ah ee soo socota.

Kooxda Real Madrid ayaa Isniinta la ciyaari doonta kooxda Granada kulan ka tirsan todobaadkii 35-aad ee horyaalka La Liga hadii ay kulankaas guul ka gaadhaan waxa ay horyaalka si Rasmi ah ugu guulaysan karaan maalinta Khamiista ee soo socota.

Los Blancos ayaa khamiista la ciyaari doonta kooxda Villarreal Estadio Alfredo Di Stefano hadii ay kulankaas badiyaan waxa ku guulaysan karaan horyaalka La Liga ka hor xitaa inta ayna Barcelona ciyaarin.

Barcelona ayaa isla khamiista la ciyaari doonta kooxda Osasuna iyaga oo ciyaari doona kadib marka ay Real Madrid ciyaarto kulankeeda kuna guulaysato horyaalka.

Hadii ay Real Madrid kufto mid ka mid ah 2-da kulan ee soo socda Barcelona-na badiso labada kuanka soo socda horyaalka ayaa la go’aamin doonaa maalinta ugu dambaysa horyaalka.