Kooxo yar ayaa Man United kaga badan lacagta ay Red Devils suuqa galisay 10-kii sano ee la soo dhaafay ama ugu dambeeyay.
Man unietd ayaa caado u lahayd in ay lacagta ku tuurto suuqa gaar ahaan kadib markii uu kooxda ka tagay tababarihii hore ee Sir Alex Ferguson.
Inkasta oo markii Sir Alex Ferguson joogay kooxda ay samaysay saxiixyo fiican lacagtana lagu soo xero galiyay xiddigo fiican laakiin wixii ka dambeeyay ayay kooxdu samaysay saxiixyo badan oo ay ku fashilantay.
Kooxda Man United ayaa samaysay saxiixyo lacag badan ka gashay laakiin ay kooxdu ka shalaaysay kadib markii ay ku fashilmeen kooxda.
Wargayska Daily Mirror ayaa soo saaray Liiska 10-kii saxiix ee ugu xumaa ee ay United samaysay tan ilaa sanadkii 2010.

1.Bebe:
Xiddiga reer Portugla ayaa hal sano gudeheed noloshiisa ka bilaabay bilaa guri uu seexdo kadib da’ yar wadooyinka ku ciyara kadib ku biirista Man United.
Laakiin xiddiga ayaa ku fashilmay in uu Old Trafford isku muujiyo isaga oo kaliya 2 kulan u ciyaaray kooxda ka hor inta aan amaan lagu dirin waxana uu United isaga tagay sanadkii 2014.
2.Memphis Depay:
Xiddigan ayaa lagu casuumay lambarka taariikhiga ah ee Man United ee No.7 waxana ay United ku kalsoonayd in uu noqon doono xiddig heer sare ah laakiin xiddiga ayaa ku fashilmay kooxda isaga oo isaga tagay sanadkii 2017 kuna biiray Lyon halkaas oo uu wacdaro ka dhigayo haatan.
3.Angel di Maria:
United ayaa Angel di Maria ka dhigta saxiixeeda ugu qaalisanaa wakhtigaas kadib markii ay ka soo bixiyeen lacag ku dhaw 60 milyan waxana laga filayay wax weyn.
Xiddiga ayaa 4-tiisii kulan ee ugu horeeyay si cajiib ah u ciyaaray laakiin wixii intaas ka dambeeyay ku dhibaatooday Old Trafford iyada oo sanad kadib iska iibisay.
4.Radamel Falcao:
Saxiixan ayaa ahaa mid lama filaan ku dhacay iyada oo United si amaah ah ula soo saxiixatay xiddiga reer Colombia laakiin sanad kadib iska fasaxday kadib markii uu ku fashilmay kooxda, Radamel Falcao ayaa kaliya dhaliyay 4 gool 29 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.
5.Shinji Kagawa:
Taageerayaasha United ayaa si weyn ugu faraxsanaa imaatinka Shinji Kagawa sanadkii 2012 laakiin xiddiga reer Japan ayaa kaliya ciyaaray 13 kulan 31 kulan oo uu ciyaaray.
6.Henrikh Mkhitaryan:
Sidii Kagawa United ayaa ku kalsoonayd in uu Mkhitaryan noqon doono xiddig wax weyn ku soo kordhiya kooxda iyaga oo ka dhigay saxiixii ugu horeeyay ee Jose Mourinho markii uu kooxda tababaraha u noqday laakiin xiddiga ayaa dhaliyay 11 gool iyo 15 caawin 31 kulan oo uu ciyaaray ka hor inta uuna ku biirin Arsenal.
7.Marcos Rojo:
Xagaagii 2014 Mna United ayaa saxiixii ugu horeeyay ee tababare Louis Van Gaal ka dhigtay xiddiga Rojo kaas oo ay 20 milyan kula soo wareegeen kadib wakhti fiican oo uu xiddiga reer Argentine ku qaatay koobkii adduunka ee 2014, Rojo ayaa wali jooga kooxda amaahna uga maqan laakiin waxa uu ka mid yahay xiddigaha ku fashilmay kooxda.
- Alexis Sanchez:
Alexis Sanchez ayaa Man United kaga soo biiray Arsenal waxana lagu magacaabi karaa saxiixii ugu xumaa ee premier League marka loo eego sida uu qaab ciyaareedka xiddigu hoos ugu dhacay.
Sanchez ayaa Man United yimid kadib 3 sano iyo badh uu wakhti fiican ku qaatay Arsenal laakiin xiddiga ayaa kaliya dhaliyay 5 gool 45 kulan oo uu u ciyaaray man United inkasta oo uu mushahar waali ah qaadanayay.
9.Morgan Schneiderlin:
Van Gaal ayaa u baahday xiddig khadka dhexe ah waxana uu doortay Schneiderlin kaas oo ahaa midka ugu fiican booskiisa premier League laakiin xiddiga ayaa si aad ah qaab ciyaareed liita ugu soo bandhigay Man United kadib 30 milyan oo uu ugu biiray isaga oo kaliya 3 kulan u saftay Premier League xilli ciyaareedkiisii 2-aad ee United.
10.Bastian Schweinsteiger:
Rajada saxiixa xiddiga ayaa ahayd in uu kooxda Man United ku hogaamiyo champions League marka loo eego khibradiisa tartanka laakiin Bastian Schweinsteiger ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo isaga oo kaliya 5 kulan u saftay United xilli ciyaareedkiisii 2-aad.