Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay weerar Ismiidaamin ah oo lala eegtay Kolonyo galbinaysay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya oo maraayay inta u dhaxeysa Tarabuunka & Isbitaalka Xoogga dalka.
Gaari noociisa uu yahay Surf oo uu kaxeynaayay naftii halige ayaa isku dayay inuu dhex galo kolonyada gaadiidka Taliyaha, balse Ciidamada Illaalada Taliyaha oo ka shakiyay gaarigaan ayaa rasaas ku furay.
Intaasi kadib gaarigii ayaa qarxay, waxaana ka dhashay dhimasho & dhaawac soo gaaray dad u badan shacab oo goobta ka agdhawaa, waxaa dhimashada ay tahay 2 ruux halka dhaawacana yahay 13 ruux.
Labada qof ee dhintay ayaa la sheegay inay kala yihiin ruuxii Ismiidaamiyay & ruux kale oo shacab ahaa, halka dhaawacana ay kala yihiin Saddex Askari & 10 ruux oo shacab ah.
Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Somaliya Odawaa Yuusuf Raagge ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay inuu nabad qabo, bartilmaameedka Qaraxana uu isaga ahaa, balse illaaladiisa oo feejigan ay rasaaseeyeen gaariga Qaraxa.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe soo xumaanaya, waxaana Magaalada ka dhacaya falal lidi ku ah dhanka ammaanka