Kooxda Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara sida ay sheegayaan wararku.
Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddigaha Khadka dhexe ee kooxaha Tottenham Iyo Chelsea ee Timeoue Bakayoko & Tanguy Ndombele si ay ugu buuxiso booska Thiago Alcantara.
Thiago ayaa galaya sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Bayern Munich waxana uu doonayaa in uu ku biiro kooxda Liverpool xagaaga.
Wargayska Football London ayaa sheegaya in ay Bayern Munich doonayso saxiixa xiddigaha Timeoue Bakayoko & Tanguy Ndombele kuwaas oo ay u doonayaan badalka Thiago xagaaga.
Wararka ayaa sheegaya in ay Reds haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer Spain haatana kaliya hadhsantahay in ay saxiixiisa kala heshiiso kooxda Bayern Munich kuwaas oo xaqiijiyay in ay iibinayaan xiddiga xagaaga.