Kadib markii ay Man City ku guulaystay racfaankii ay ka qaadatay ganaaxii 2 sano ee champions League waxa jiray kooxo badan oo ka naxay kana mid yihiin kuwa u tartamaya boosaska champions League.
Laakiin Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si weyn ugu farxay in ay Man City ka ciyaari doonto champions league kuna guulaystay dagaalkii ay kula jirtay UEFA.
Shirkii ka horeeyay kulanka Arsenal ee Arbacada ayaa tababare Jurgen Klopp wax laga waydiiyay sida uu u arko guushii ay Man City ka gaadhay ganaaxii 2-da sano ahaa ee champions Leage ee laga daayay.
“Waan Ku Farxay in ay man City ciyaari karto champions League xilli ciyaareedka dambe”ayuu Klopp ku jawaabay.
“Hadii ay 10 ama 12 kulan ka yaryihiin kooxaha kale xilli ciyaareedka dambe ma jirteen Fursad ay koox kale ugu tartami karto horyaalka xilli ciyaareedka dambe”.