Kooxda Man City ayaa lagu ganaaxay lacag dhan 10 milyan oo euro kadib markii ay diiday in ay Baadhitaankii UEFA la shaqayso xilli Man City laga baadhayay in ay samaysay dambi dhanka xeerka dhaqaalaha ah.
Lacagtaas ayaa lagu soo waramayaa in ay heli doonaan kooxaha ka ciyaara champions League oo ay ka mid yihiin Liverpool & Man United.
Kooxda City ayaa markii hore laga ganaaxa champions League muddo2 sano ah laakiin maxkamada kubada cagta ayaa ganaaxaas ka qaaday Man City iyada oo kaliya lagu ganaaxay lacag.
Man City ayaa lagu ganaaxay lacag dhan 10 milyan oo euro lacagtaas ayaana loogu ganaaxay kadib markii ay diideen in ay la shaqeeyaan UEFA intii lagu jiray baadhitaan.
Kooxaha Liverpool Iyo Man United ayaa ka mid ah kooxaha heli doona lacagta ganaaxa ah iyada oo ay sidoo kale jiraan kooxo heli doona badh ka mid ah lacagtaas.