Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa Arbacada isaga hor iman doona Emirates Stadium kulan ka tirsan todobaadkii 37-aad ee horyaalka Premier League.
Arsenal ayaa soo dhawayn doonta kooxda ku guulaystay horyaalka ee Liverpool kulan aad si weyn isha loogu hayn doona sababo kala duwan awgeed.
Sababta ugu horaysa ayaa ah in ay Arsenal doonayso in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib bar-barihii Tottenham iyo waliba in ay u dagaalanto booska Europa League.
Dhanka kale Reds ayaa u dagaalamaysa jabinta dhibcaha ugu badan ee premier Legaue xilli ciyaareedka kaliya laga helo iyo waliba in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib bar-barihii Burnley.
Shabakada Sports Mole ayaa soo saartay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyaga oo soo qaatay kaliya xiddigaha taamka u ah kulanka ee ciyaari kara.
Arinta la yaabka leh ayaa ah in ay Arsenal hal xiddig ku leedahay shaxda halka 10-ka kale leedahay kooxda Liverpool ka hor kulanlooda habeen dambe.