Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda Garoowe ku soo dhoweeyay wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan oo ka qayb-gelidoona Aaska Qaran ee Madaxweynihii hore ee Puntland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.
Soo dhoweynta weftiga Madaxweynaha Jubbaland waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Isimo, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.
Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa isagana lagu soo dhaweeyay Magaalada Garowe, waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland.