SAWIRRO: Madaxweynihii hore Puntland oo aas Qaran loogu sameeyay Garowe (SAWIRRO)

Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland, marxuum Maxamed Cabdi Xaashi ayaa maanta Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.

Waxaa aaska ka qaybgalay Aaska Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyna Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Kuxigeenadiisa, Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS , ismimo, siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Dhamaan masuuliyiintaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland oo maanta la aasay Magaalada Garoowe.

Meydka marxuumka ayaa waxaa laga soo qaaday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ah meeshii uu ku geeriyooday todobadkaan gudihiisa.