Nin mindi ku hubeysan ayaa dilay taageero Arsenal ah iyagoo jooga xarun tareen ka dib markii uu si qaldan u eegay sida ay maxkamada dhageysatay maanta.
Tashan Daniel oo 20 sanno jir ah ayaa ku sii jeeday ciyaar kubada cagta ah markii lagu weeraray xarunta tareenka Hillington.
Daniel ayaa ku sii socday nin ay saaxiibo yihiin isagoo ka soo qaadanayay tikidhada ciyaar Arsenal ah oo loo siiyay hadiyad dhalashadiisa ah.
Dagaal ayaa xarunta tareenka ku dhexmaray Tashan Daniel iyo Alex Lanning.
Alex Lanning oo 23 sanno jir ah ayaa qirtay inuu tooreeyay Mr Daniel 24kii September laakiin waxa uu beeniyay inuu yahay dilaa.
Xeer ilaaliyaha ayaa yiri: “Tashan Daniel waxa uu dhintay markii hal mar mindi laga geliyay xabadka, waxay gashay wadnihiisa taasoo sababtay inuu dhiig badan ka baxo.
“Haatan, muran kama taagna in qofka tooreeyay Tashan Daniel inuu yahay Alex Lanning.
“Sidoo kale muran kama taagna inuu isticmaalay mindi uu watay oo uu falkaan ku geystay. Xeer ilaalintu waxay leedahay falkaan waa dil u la kac ah.
“Labada nin isma aysan garaneynin. Waxay kala joogeen labo meel iska soo kala horjeeda, waxay u kala socdeen labo jiho oo iska soo horjeeda.
“Mr Lanning wuxu sheegay in dagaalka uu ka bilowday isagoo ka carooday sida uu Tashan Daniel u soo eegay inkastoo ay labada dhinac ee xarunta tareenka kala joogeen.”