Waxay faah faahin ka soo baxeysaa qaraxii xooganaa ee caawa ka dhacay agagaarka Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo ka dhashay miino wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa ka dhacay afaafka hore maqaaxida Creams, oo dacalka ku haysa maqaaxi kaloo lagu magacaabo Last Coffee.
Bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaa gawaari uu la socday Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Amniga Somaliya, Cabdinaasir Siciid Muuse, inkastoo uu qaraxu dhacay, markii ay wadada mareen.
Gaadiidka gurmada deg-degga ayaa goobtaasi ka qaaday dhaawacyada afar qof oo rayid ah. Mid ka mid ah dhibane-yaasha waxaa la xaqiijiyay inay haweeney tahay.
Ciidamada Booliska oo halkaasi gaaray ayaa muddo kooban xiray wadada, mana jirto cid ay u soo qab qabteen qaraxa caawa ruxay Magaalada Muqdisho.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, inkastoo qaraxyada ceynkani oo kala ah looga bartay mintidiinta Ururka Al Shabaab, oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka.
Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay qaraxyada wadooyinka lagu aaso, ee ay ka gaysanayan Caasimadda Muqdisho