Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Ka dib kulamo kala gooni gooni ahaa oo shalay illaa xalay uu Magaalada Dhuusamareeb ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo geba-gaboobay.
Shirkan ayaa waxaa uu u furmi doonnaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweyne-yaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood, ay ka horyimaadeen in shirka laga soo qaybgeliyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), inkastoo Villa Somalia dadaal xoogan ku bixisay, sidii uu madasha ugu soo biiri lahaa.
Shir guddoonka shirka waxaa afka Madaxda Dowlad Goboleedyada ku hadli doono Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare.
Ajandaha shirka ayaa ah in la iska wareysto xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, ee uu murunka badani hareeyay, si dhinacyada ay mowqif mideysan uga qaataan nooca doorasho, ee ay tahay in dalka ka dhacdo 2020/21.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay wax ka badan hal sano horfariisan doono Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Waxaa aad u yar rajada laga qabo in uu miro dhalo wejiga 2aad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb, haddii Madaxweyne Farmaajo uu u ololeynayo in doorashadu noqoto mid hal qof iyo hal cod ah, halka Madaxda Dowlad Goboleedyada u ololeynayan inay doorashada noqoto mid dad-ban.