Ole Gunnar Solskjaer Oo Laba Ciyaartoy Ku Eedeeyey Guul-darradii Manchester United Kasoo Gaadhay Chelsea & Mid Uu Amaan U Jeediyey

Tababaraha Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer ayaa laba ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa ku eedeeyey inay sabab u ahaayeen guul-darradii Red Devils kasoo gaadhay kulankii Chelsea ee semi-finalka FA Cup, kaas oo ay Blues ku adkaatay 3-1 uguna gudubtay finalka.

Goolhaye David de Gea ayaa dusha laga saaray qaladka goolka koowaad iyo midka labaad, laakiin tababare Solskjaer waxa uu qaladka hore ku eedeeyey difaaca kooxdiisa ee Victor Lindelof oo uu sheegay inuu ka seexday Olivier Giroud oo uu ilaalinayay, waxaanu yidhi: “Waad garanaysaa dhaqdhaqaaqyada Olivier Giroud, waxaad ogtahay inuu birta ku dhowaanayo, waxaanay ahayd inaad si fiican iskaga difaaco. Inyar ayaanu ka xabsaanay xaaladahan, goolka labaadna wuxuu ahaa mid laga baaqsan karayay.”

Eedda labaad ayuu u jeediyey goolhaye David de Gea oo uu sidoo kale u raaciyey digniin ah in qof walba uu leeyahay fursad oo haddii uu iska lumiyo uu booskiisa waayi doono, waxaanu yidhi: “Qof kastaaba fursad ayuu leeyahay uu waqti kasta kusoo bandhigto sida uu ugu qalmo kooxdiisa. David wuu ogyahay inay ahayd inuu badbaadiyo goolka labaad, laakiin hadda waa wax tegay, waana inaanu ka gudubno oo aanu ka fikirno ciyaarta Arbacada.

“Way ku adag tahay goolhayeyaasha inay wax hagaajiyaan, marka laga yimaaddo David oo sameeyey laba ama saddex badbaadinood oo cajiib ah kaddib qaladaadkii.

“Kama hadli karayo kalsoonida De Gea inta ay le’eg tahay laakiin waxaan ogahay in maskax ahaan uu xooggan yahay, uuna garanayo in laga doonayo in 100ka kubbadood ee lagu gano inuu badbaadiyo 100kaba, taas ayaa ah kubadda cagta, aniga ayaana iska lahaa go’aankii aan ku ciyaarsiiyey (xalay).”

Ugu dambayn waxa uu amaanay da’yarka kooxdiisa ee Brandon Williams oo ka ciyaarayay difaaca bidix, waxaanu yidhi: “Waad arkaysaan Brandon Williams, tusaale ahaan, dhaqanka uu muujiyey. Wuxuu sameeyey baaskii qaldanaa ee Mount, wuxuuna dareensan yahay inuu masuuliyadda wax ku leeyahay, laakiin marka laga yimaaddo qaybtaas wuxuu ahaa ciyaartoy heersare ah.