Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa markii toddobaad xirfaddiisa ku guuleystay abaal-marinta Pichichi Trophy, waxaanu sannadkan ku garaacay weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema oo kulankii ugu dambeeyey horyaalka LaLiga uu kasii baxsaday.
Messi ayaa Barcelona xili ciyaareedkan u dhaliyey 25 gool oo horyaalka LaLiga Santander ah, waxaanu afar gool oo caddaan ah ka horreeyey Karim Benzema oo kaalinta labaad ku jira, kuna dhamaystay horyaalka 21 gool, iyadoo uu ciyaartii ugu dambaysayna garoonka kaga baxay soomanaan.
Abaal-marinta Pichichi ee uu sannadkan ku guuleysay Messi ayaa ah markii afraad ee xidhiidh ah ee uu laacibkani qaato, waxaanu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee waqtigii ugu dheeraa abaal-marinta si isxigta u qaata tan iyo intii ka dambaysay Hugo Sanchez oo sannadihii 1980meeyadii afar jeer oo xidhiidh ah kusoo guuleystay.
Messi waxa uu xili ciyaareedkan hoos uga dhacay heerkiisii gool-dhalinta ee sannadihii hore ee uu kusoo guuleystay abaal-marintan, waxaana markiisii ugu wanaagsanayd ay ahayd xili ciyaareedkii 2011/12 oo uu 50 gool oo horyaalka LaLiga oo kali ah dhaliyey, halka uu fasal ciyaareedkii tegayna uu 36 ka dhaliyey.
Laakiin gool yaraantiisu waxba kama beddelin inuu mar kale abaal-marinta helo maadaama aanu jirin ciyaartoy kaga goolal badan Spain xili ciyaareedkan.
Goolasha sannadkan uu Messi ku qaaday Pichichi waxay noqonayaan kuwii ugu yaraa tan iyo xili ciyaareedkii 2006/07 oo uu Ruud van Nistelrooy oo Real Madrid u dhaliyey 25 gool uu ku guuleystay.
Barcelona waxay guud ahaan xili ciyaareedkan dhalisay 86 gool oo 25 ka mid ah uu Lionel Messi saxeexay, waxaanay taasi ka dhigan tahay in 29 boqolkiiba uu goolasha kooxdiisa dhaliyey.
Dhinaca kale, waxa uu Messi noqonayaa ciyaartoygii 11aad ee taariikhda Barcelona ku guuleystay abaal-marinta, waxaana isaga uga horreeyey: Cesar Rodriguez, Cayetano Re, Charly Rexach, Kronkl, Quini (laba jeer), Romario, Ronaldo Nazario, Samuel Eto’o iyo Luis Suarez oo isaguna liiska soo galay iyadoo uu Messi goolasha ka caawiyey.