Kooxda kubadda cagta Leganes ayaa soo afjartay guulihii xidhiidhka ahaa ee Real Madrid ee ay soo wadday tan iyo markii uu horyaalku dib u bilaabmay, laakiin kooxdan yar oo guul u baahnayd si ay uga badbaado heerka labaad ayaa ka dhacday horyaalka.
Los Blancos oo soo guuleysatay tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka, koobkana ku guuleysatay Khamiistii ayaa lagu qabtay barbarro 2-2 ah.
Sergio Ramos ayaa Real Madrid u dhaliyey goolka koowaad ciyaarta oo socota sagaal daqiiqadood oo kaliya, laakiin Bryan Gil ayaa dhamaadka qaybta hore ciyaarta ka dhigay 1-1.
Qaybtii labaad oo laba daqiiqadood socota ayuu Asensio gool labaad u dhaliyey Real Madrid, waxaase laga daba yimid oo barbarraha laga dhaliyey ciyaarta oo ay 13 daqiiqadood ka hadhsan tahay.
Kooxda martida loo ahaa ee Leganes ayaa ku doodday inay rikoodhe heshay, waxaana laga soo fiiriyey VAR oo waxba kama jiraan ka dhigtay, hase yeeshee ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ayay ku dhowaadeen inay lugtooda isku badbaadiyaan oo ay goolka guusha dhaliyaan.
Wax kasta oo ay sameeyeen, Leganes waxay garoonka ka baxeen iyagoo ooyaya oo ay u caddaatay inay heerka labaad u dageen, horyaalka LaLiga na macasalaameeyeen.
Shaxdii labada kooxood
REAL MADRID (4-3-3): Alphonse Areola; Lucas Vazquez, Eder Militao, Sergio Ramos, Ferland Mendy; Federico Valverde, Casemiro, Isco; Marco Asensio, Karim Benzema, Vinicius Junior.
Kaydka: Mariano, Raphael Varane, Rodrygo, Brahim Diaz, Diego Altube, Toni Kroos, Luka Jovic, Luka Modric, Nacho, Daniel Carvajal.
LEGANES (5-4-1): Ivan Cuellar; Roberto Rosales, Unai Bustinza, Rodrigo Tarin, Dimitrios Siovas, Jonathan Silva; Aitor Ruibal, Ibrahim Amadou, Recio, Bryan Gil; Manuel Garrido Alvarez.
Kaydka: Aymane Mourid, Roger Assale, Juan Soriano, Kenneth Omero, Javier Eraso, Oscar Rodriguez, Marc Navarro, Miguel Angel Guerrero, Roque Mesa, Kevin Rodrigues, Chidozie Awaziem.
Zidane ayaa toddoba ciyaartoy ka beddelay shaxdiisa lama taabtaanka ah ee uu ku ciyaari jiray, waxaanu kaydka dhigay Varane, Carvajal, Courtois, Modric, Kroos, halka aan liiska lagu soo darin Eden Hazard iyo Marcelo oo dhaawac ah iyo waliba labada ciyaartoy ee Gareth Bale iyo James Rodriguez oo u muuqda inuu soo dhamaaday waayahoodii Santiago Bernabe.
Real Madrid oo ay kasii muuqatay farxadda guusha horyaalka ee ay Khamiistii koobka LaLiga ee xili ciyaareedkan ku qaadeen, waxay ciyaarta kusoo galeen kalsooni badan iyo iyagoon is dhibayn maadaama aanay natiijada ciyaartu waxba ugu soo kordhinayn xili ciyaareedkooda.
Sergio Ramos ayaa daqiiqaddii 9aad ee ciyaarta hoggaanka qabatay, waxaana gool madax ah u dhaliyey Sergio Ramos oo helay kubbad laag xor ahayd oo uu soo tuuray Isco.
Karim Benzema ayaa goolal raadiyey qaybtii hore iyadoo uu maanka ku hayey inuu soo qabto Lionel Messi oo afar gool kaga horreeya tartanka abaal-marinta Pichichi ee gool-dhalinta. Laakiin qaabka uu u ciyaarayay ayaa ahaa sidii kubbad sameeye oo kale, qaybtii dambe baxay isagoo aan shabaqa taaban.
Leganes ayaa ciyaarta barbarraysay daqiiqaddii ugu dambaysay ee qaybta hore, waxaana kubbad uu dhinaca bidix kasoo dhiibay Silva xerada ganaaxa ka dhex helay Gil oo taabasho lugta bidix ah kubadda ku dhaafiyey goolhaye Alphonse Areola, waxaanay ciyaartu noqotay 1-1.
Zinedine Zidane ayaa waqtigii nasashada beddelay kabtan Sergio Ramos, waxaanu keenay Nacho Fernandes oo kasoo laabtay dhaawac uu ku maqnaa muddo bil ah, waxaana halkaas laga dheehanayay in tababaruhu kasii fikirayo kulanka Manchester City ee lugta labaad ee Champions League ee horraanta bisha August ay Etihad Stadium ugu tagi doonaan.
Marco Asensio ayaa Real Madrid hoggaanka u dhiibay mar kale, waxaana kubbad uu si farshaxannimo leh u farsameeyey Isco uu la galay xerada ganaaxa, waxaanu dhinaca midig ka dhigay goolhayaha oo isku dayay inuu lugta ku qabto.
Saddex beddel oo mar wada socda ayuu Zidane israaciyey, waxaanu garoonka ka saaray Casemiro, Asensio iyo Karim Benzema, isaga oo keenay Luka Jovic, Brahim Diaz iyo Toni Kroos.
Leganes ayaa dhalisay goolka barbarraha adaqiiqaddii 78aad ee ciyaarta, waxaana shabaqa ku ruxay Assale oo kubbad ka helay Silva.
Real Madrid ayaa ku dhowaatay inay mar kale hoggaanka qabato, waxaana kubbad xerada ganaaxa dhexdeeda ay ciyaartoyda Los Blancos iskugu dhiibeen goolka dul mariyey Brahim Diaz oo sidoo kalena dhaqaaq wanaagsan ka samaynayay dhinaca midig ee garoonka.
Ciyaarta oo ay shan daqiiqadood ka dhiman tahay ayay Leganes ku doodday in xaq u leeyihiin rikoodhe kaddib markii ay kubaddu gacan ku dhacday, waxaana laga soo hubiyey VAR oo muujisay in aan lagu go’aan qaadan karin in rikoodhe loo dhigo.
Daqiiqaddii 91aad ee ciyaarta ayay Real Madrid ku dhowaatay inay saddexda dhibcood ee kulanka hesho, waxaana kubbad kala soo dheereeyey difaaca Fede Valverde, waxaase uu goolka kaga beegnaa dhinac, taasina waxay keentay inuu sugo inta ciyaartoyda asxaabtiisu soo gaadhayaan, ugu dambayntiina kubadda ayaa u baxday bannaanka.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-2.