XOG: Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Ku Dhaliyay Taariikhda Premier League

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ayaa ah xiddiga goolasha ugu badan ku dhaliyay madaxa horyaalka premier league tan iyo markii ugu horeysay ee uu ciyaaray 2012 ka dib markii uu dhaliyay goolkiisii ​​31-aad kulankii Norwich City.

Giroud ayaa dhaliyay gool madax ah kulankii Norwich City isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul muhiim ah oo ay 3 dhibcood ku qaateen.

Xiddiga Giroud ayaa dhaliyay 84 gool oo premier League 37% waxa uu ku dhaliyay madax isaga oo ah xiddiga goolasha ugu badan ka dhaliyay premier League.

Xiddigii hore ee Liverpool iyo Stoke City Peter Crouch ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda premier League 50 gool madaxa ku dhaliya.

Peter Crouch ayaa rikoodhkaas gaadhay kulankii uu Stoke City u dhaliyay goolka guusha ee maalintii ugu dambaysay ee xilli ciyaareedkii 2017.

Alan Shearer ayaa dhankiisa premier League ka dhaliyay 260 gool waxana uu 82% ku dhaliyay madax isaga oo ah xiddiga ugu badan ee madax ku dhaliya goolasha.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha Goolasha ugu badan ku dhaliyay Madaxa taariikhda Premier League:

Peter Crouch – 53

Alan Shearer – 46

Dion Dublin – 45

Les Ferdinand – 40

Dwight Yorke – 38

Duncan Ferguson – 36

Teddy Sheringham – 36

Olivier Giroud – 31

Tim Cahil – 31

Robbie Fowler – 28