Aadan Bare Ducaale oo eedeyn kulul u jeediyay Wasiirka arrimaha Gudaha Kenya.

Hoggaamiyihii hore ee Aqlabiyada ee Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale wuxuu ku eedeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Fred Matiyangi inuu ka caga-jiidayo sidii Kumanaan Dhallinyaro ku nool Gaarisa iyo Wajeer u heli lahaayeen Waraaqaha Aqoonsiga ee dalkaasi.

Aadan Barre Ducaale oo ah Xildhibaan laga soo doorto Gaarisa waxa uu ugu baaqay Wasiir Fred Matiyangi inuu faahfaahin ka bixiyo sababaha ay 18,500 Dhallinyaro loo siin la’ yahay Waraaqaha Aqoonsiga ee dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in Dhallinyarada Soomaali-Kenyanka ay Qaxooti ahaan isaga diiwaan geliyeen Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, isla markaana ay ku jiraan Xeryaha Qaxootiga ee Ifo iyo Dhagaxley.

“Is-diiwaangelintooda Qaxootinimo waxa uu ahaa Fal ay Waalidiintooda kaga baxsanayeen Masiibooyinkii Abaaraha ee dhacay sanadihii 1990-aadkii” ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre Ducaale.

Waxa kale oo uu sheegay inay Dhallinyaradaasi dhibaato kala kulmaan Helitaanka Waraaqaha Aqoonsiga, isla markaana aysan heli Karin shaqo, kuna biiri Karin Jaamacadaha iyo inaysan dibedda u dhoofi Karin.

Hoggaamiyihii hore ee Aqlabiyada ee Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale waxa uu sheegay inuu ka doonayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Fred Matiyangi inuu shaaciyo Xilliga Kama-dambaysta ee uu ku fulinayo Wareegtadii Madaxweyne Uhuru Kenya soo saaray sanadkii 2017-kii ee Diiwaan-gelinta Dhallinyarada Somali-Kenyanka aan haysanin Waraaqaha Aqoonsiga.

Sanadkii 2017-kii ayuu Madaxweynaha Kenya waxa uu ku amray Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkiisa inay horumariyaan Jadwalka Shaqo ee Diiwaangelinta dhallinyarada Somali-Kenyanka ee aan haysanin Waraaqaha Aqoonsiga.

Amarkaasi ayuu bixiyey Uhuru Kenyatta, kadib, markii uu codsiyo ka helay Hoggaamiyayaasha Soomaalida ka soo jeeda Gobalka W/Bari ee Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Kooxaha u dodoa Xuquuqda Aadanaha ee dalkaasi waxay marar badan walaac xooggan ka muujiyeen in Dhallinyarada Somali-Kenyanka Takoor iyo shaki kala kulmaan marka ay codsanayaan Waraaqaha Aqoonsiga Kenya ee ID Cards.