Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay biyaha webiga ku fasaxeen Beero ku yaala Degmada Aw-dheegle.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax,ayaa sheegay in maleeshiyaadka argagaxisada Alshabaab, ay ka dambeeyeen biyaha wabiga ee ku fayahay deegaanada beeraleyda ah ee Degmada Aw-dheegle oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose.

Guddoomiyaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa xusay in maleeshiyaadka Alshabaab ay biyaha webiga Shabeele ku fasaxeen beeraha ku yaalla degaanada Aw-dheegle.

Maamulka Degmada Awdheegle oo ku baxay Biyaha ayaa ku howlan xakameynta biyaha wabiga ,iyadoo Jawaano carro ah oo aan horay u geenay Awdheegle ay kula tacalaaayan,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Degaano badan oo ku teedsan webiga Shabeelaha gaar ahaan tuulooyinka ka tirsan degmada Afgooye, waxaa fara ba’an ku haya fatahaadda uu webiga ku sameeyay halkaas oo dad aad u badan hoy la’aan yihiin