Juventus ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Udinese kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da xilli dib loo dhigay dabaal dagaya Juventus ee horyaalka.
Kulanka ayaa ahaa mid ay inta badan Juventus maamulaysay laakiin Udinese gaadhay muhiimada oo ahayd 3-da dhibcood ee ciyaarta Juventus-na dhabarka u saartay guuldaro kalae.
Juventus ayaa ku dhibaatootay in ay jabiso daafac adag oo ay dhiteen kooxda Udinese una diiday Ronaldo iyo saaxiibadiis in ay gool dhaliyaan shabaqna si dhib yar ku soo laabtaan.
Daqiiqadii 41-aad ee qaybta hore ee ciyaarta ayay Juventus dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay daafaca reer Holland ee Matthijs de Ligt kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Juventus hogaaminayso ciyaarta laakiin si weyn ugu dhibaatootay in ay dhaafto daafac bir ah oo dhigteen kooxda Udinese.
Qaybtii dambe ayay kooxda Udinese ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo ka baxay daafac waliba qaadayay weeraro ay ku doonayeen in ay ciyaarta ugu soo laabtaan.
Daqiiqadii 51-aad ayay Udinese dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ilija Nestorovski kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay ciyaartu bar-baro ku tahay.
Juventus ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal kale laakiin Xiddigaha Juventus ayaa ka caajisay isku daygii ay mar walba ku fashilmayeen.
Xilli ay Juventus u muuqato kuwo bar-baraha isku dhiibay ayay Udinese sheeko kale la timid waxna ka badashay ciyaarta oo ay dhankeeda u janjeedhisay.
Daqiiqadii 90-aad ayay Udindes dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Seko Fofana kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay kooxdiisu si lama filaan ah hogaanka ugu qabatay.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Udinese dhabarka u saartay Juventus guuldaro lama filaan ah dibna u dhigtay ku guulaysiga Juventus ee horyaalka Serie A-da.