Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah Ayaa Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa Kooxda Liverpool kadib markii uu saacado yar kadib kor u qaaday koobka prmeier League.
Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa Liverpool ku hogaamiyay ku guulaysiga horyaalka prmeier League oo kooxda ka maqnaa muddo 30 sano ah.
Mohamed Salah oo la hadlay idaacada reer Colombia ee Antenna 2 ayaa yidhi”Waxan doonayaa in aan haatan ku raaxaysto wakhtiga aan ku jiro mana garanayo waxa dhici doona mustaqbalka dhaw”.
“Haatan waxa aan doonayaa in aan ku raaxaysto ku guulaysiga horyaalka Premier League iyo shaqada fiican ee aan qabtay.
Mohamed Salah ayaa 19 gool u dhaliyay kooxdiisa Liverpool horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan isaga oo ah xiddiga ugu goolasha badan kooxda tartamada oo dhan.