Xafladayntii Cristiano Ronaldo & Kooxdiisa Juventus Ee Koobka Serie A Oo La Damiyay Daqiiqadii 92 Aad.

Kooxda Juventus ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda Udinese waxayna Cristiano Ronaldo iyo Sarri waayeen fursadii ay caawa ugu xafladayn lahaa koobka Serie A oo ay ku guulaysan lahaayeen.

Kooxda Udinese ayaa soo laabasho layaableh ka samaysay kulankan ay guuldarada ku baday Juventus waxaana gool uu De Ligt hogaanka ugu dhiibay Juve dhinaca kale u dhigay Ilija Nestorovski iyo Seko Fofana.

Dhinaca kale Cristiano Ronaldo ayaa seegay fursadii uu ugu sii dhawaan lahaa kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub isaga oo saddexda kulan ee baaqiga u ah u baahan doona in uu dhaliyo shan gool si uu Lewandowski ugula tartami karo kabta dahabka ah ee Yurub.

Juventus waxay guuldarada Udinese la kulantay daqiiqadii 92 aad ee dhamaadkii ciyaarta kadib markii uu goolka Juve ka hor joogsaday Serie A uu dhaliyay Seko Fofana.

Inkasta oo difaaca dhexe ee De Ligt uu ahaa xidiga dhaliyay goolkii ay Juventus ciyaarta ugu hor martay waxaa goolkiisa kansalay Ilija Nestorovski.

Juventus waxay haysataa 80 dhibcood waxaana ku soo xigta kooxda Atalanta oo leh 74 dhibcood waana sababta ay Old Lady wali u sugi doonto in ay xisaab ahaan u xaqiijisan karaan ku guulaysiga koobka marka la soo gaadho kulamada soo socda.

Haddii ay Juventus guulaysan lahayd kulankan ay guuldaraysatay ee Udinese waxay bilaabi lahaayeen u dabaal degista koobka Serie A ee ay soo yeesheen laakiin waxaa xafladan dabkeeda la damiyay daqiiqadii 92 aad.

Sarri oo koobkiisii ugu horeeyay ee Serie A kula guulaysanaya Juventus ayaa seegay in koobkoodii sagaalaad oo xidhiidh ah ee Serie A ay ugu dabaal degaan kulankii Udinese waxayna sugi doonaan kulanka soo socda.