Adeegga Internet-ka ayaa maanta ka go’an Magaalooyinka Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya, iyadoo aan la aqoon sababta iyo weliba cidda bixisay amarka lagu jaray adeeggii Internet-ka.
Wixii ka dambeeyay barqanimadii maanta ayaa laga war helay in adeegga Internet-ka uu ka go’an yahay Magaalooyinka Koonfurta & Bartamaha dhaca, xilli wixii ka horeeyay ay dadka galaangal u lahaayen inay isticmaalaan.
Nooc kasta oo adeegga Internet-ka ayaa tan iyo barqanimadii maanta ka go’an Gobolada Koonfurta Somaliya, taasoo ay dadku wax badan iska weydiinayaan. Bulshada Soomaaliyeed oo bulsho hadasha lagu tilmaamo ayaa dareentay maqnaanshaha adeegga Internet-ka.
Sidoo kale waxaa aad u adag in dadka ku sugan Magaalada Muqdisho ay wacaan teleefanada dibadda. Dadka ku sugan meelaha ka baxsan Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya ayaa waxaa sidoo kale ku adag inay xiriir la sameeyaan dadka ku sugan magaalooyinkaasi.
Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Sabtidii kalsoonida kala noqdeen Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, isla-markaana uu soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya inay Xildhibaanada Golaha Shacabka kalsoonidii kala laabteen Xukuumaddii Khayre ayaa waxaa soo badanaayay siyaasiyiinta Villa Somalia ku eedeynaya inay dalka ku waddo xaalad ay adag tahay in laga gudbo.
Khayre ayaa saqdii dhexe ee xalay sheegay in uu aqbalaayo tallaabadii, ay kalsoonida ugala laabteen Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo og in sifo aan sharci ahayn kalsoonida loogala noqday.